Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Dalka oo ku eedeysnaa dil oo ay Maxkamada Siidaysay

Sarkaalka ka tirsan ciidamada loo yaqaano Ap-da oo lagu magacaabo Eric Musila, ayaa maxkamadda xusriyadiisa dib u siisay kadib markii lagu edeeyay dilka Diana Chelela oo heesa can ah ahayd.

Sarkaalkan ayaa la soo taagay maxkmada sare ee Naivasha.

Qoyska ay ka soo jeeday haweenaydaasi la dialay ayaa murugo dareemay kadib markii ay ninkaasi maxkmadda siidaysay.

Musila, ayaa la sheegay in  7-dii bishii  May sanadkii , 2016-kii ismaamulka Bomet ku dilay Diana Chelela.

Garsooraha maxkmadda ayaa sheegay in xeer ilaaliyaashu aysan Musalia u heynin cadeymo wax ku ool ah.

Sido kale waxaa uu sheegay in xeer ilaaliyaashu ay ku fashilmaan in sarkaalkaasi uu ku sugna goobtii uu dilku ka dhacay.

Go’aanka maxkmada sare ee Naivasha ay ka soo saartay dilka Diana Chelela ayaa dharbaaxo ku noqotay qoyskeeda iyagoona ilmeeyay kadib markii la fasaxay Eric Musila oo ahaa nin ciidan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here