Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca dalka oo saddex qof ku toogtay Uasin Gishu

Wararka  naga soo gaaraya   degmada Kamaguut ee  ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada gaashaandhigga  ee KDF-ta uu saddex qof ku toogtay  halkaasi ka hor inta uunan isdilin.

Falkan ayaa  laga soo tabiyay    xaafadda  loo yaqaano  Jua Kali  waxayna wararku intaasi ku darayaan in saddexda qof ee la dilay ay  ka mid ahayeen qaraabada sarkaalka  ka takhalusay.

Taliyaha saldhigga booliska  ee degmadaasi Zachary  Biwot  ayaa   dhacdadan xaqiijiyay  wuxuuna sheegay in la guda galay baaritaano ku aaddan

Qaar ka mid ah  dadka deegaanka   iyo ehelada  saddexda qof ee la dilay ayaa  dareenkooda sidatan u muujiyay

Falkan ayaa ku soo aadaya iyadoo   dhawaan   la dilay  gabadh dhiganaysay jaamacadda  Moi ee  magaalada Eldoret laguna magacaabi jiray Ivy Wangeci.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here