Sarkaal lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay bartamaha Magaaladaasi ku dileen sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Waaxda Cansuuraha Bariga ee maamul goboleedka puntland.
Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge ayaa lagu diley goob maqaaxi ah oo ku taalla Magaalada Boosaaso, dadkii ka dambeeyey dilkiisa ayaana goobta isaga baxsaday sida ay wararku sheegayaan.
Goobta uu dilku ka dhacay ayaay goobjoogayaal sheegeen inay gaareen Ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Puntland,waxayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi.
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga xun deegaannada maamulka Puntland,waxaana 17-kii Bishaan Boosaaso lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu Magacaabi jirey Saleebaan Axmed Shire.
Sidoo kale waxaa Magaaladaasii Marar badan ka dhaca weeraro iyo dilal kala duwan oo loo gaysto Masuuliyiin Maamulka Ka tirsan iyo shacabka deegaanka qaar ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here