Sarkaal loo magacaabay hanti dhowraha dalka oo bisha Toddobaad la turxaan bixin doono

Guddiga baarlamaanka ee maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayaa la filayaa inuu saddexda bisha Toddobaad ee sannadkan turxaan bixiyo Nancy Gathungu oo dhawaan loo magacaabay xilka hanti dhowraha guud ee dalka.
Karaaniga golaha sharci dejinta Mr. Michael Sialai ayaa arrinkan ku soo daabacay wargayska rasmiga ee dowladda.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ugu dambeyn 30-ka bishan soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan in haweeneydan ay u qalanto inay qabato jagada loo magacaabay.
19-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu Nancy Gathungu u soo xushay inay buuxiso xilkii uu baneeyay Edward Ouko oo howlgab noqday.
Hadii uu baarlamaanka ansaxiyo waxay hanti dhowraha guud ee dalka ahaan doontaa muddo siddeed sano ah.
Xilka loo magacaabay Nancy Gathungu ayaa bananaaday bishii sideedaad ee sannadkii hore kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Ouko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here