Saudi Arabia oo doonaysa inay xalliso khilaafka kala dhexeya Qatar

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya , Prince Faisal bin Farxaan Al Saud ayaa sheegay in xukuumadda Riyaadh ay ku dadaalayso sidii loo soo afjari lahaa muranka kala dhexeya dowladda Qatar.
Khilaafkan ayaa soo jiray muddo saddex sano.
Bishii lixaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii dowladaha Baxrayn , Sacuudi Carabiya , Imaaraadka iyo Masar ay xiriirkii dibloomaasiyeed u jareen Qatar oo ay ku eedeyeen inay taageerto argagixisada.
Dowladda Qatar ayaa eedeynataas iska fogeysay.
Tallaabada ay qaadeen waxaa xigay inay ka xirteen xuduudaha dhanka hawada, dhulka iyo badda.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar Sheikh Maxamad bin Cabdulraxmaan Al Thani uu sheegay inaysan jirin cid ka faa’iidday is fahan waaga hareeray wadamada khaliijka.
Wuxuu xusay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay oo ayna rajeynayaan in khilaafka la soo afjaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here