Sawiro muujinaya halkii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Sacuudiga oo la soo bandhigay

Mareykanka ayaa soo saaray sawirro lagu qaaday dayax gacmeedka taasi oo ahayd in Dowladda Iran ay ka dambeysay weearakii Sabtigii lagu qaaday warshadaha Saliida Sucuudiga.
Iran aya beenisay in ay weerarka ku lug lahayd, hase ahaatee ururka xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.
Saraakiil aan la magacaabin oo la hadlay warbhinta mareykanka iyo Kuwa caalamiga aha ayaa sheegay in halka ay ka yimaadeen aaladaha weerarka loo isticmaalay ay shaki gelinayaan ku lugnahaanshaha xuutiyiinta.
Weerarkii lagu qaaday sacuudiga waxaa ay yareysay boqolkiba 5% saliida calamka, waxaana sare u kacay qiimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here