SAWIRO:Bangiga DTB oo caawinaya 2,000 oo ka mid ah qoysaska Mombasa

Xasan Cali Joho oo guddomaya gargaarka raashinka

Baniga Diamond Trust Bank (DTB) ayaa billaabay taageero uu u fidinaya qoysas gaaraya 2000 oo ku nool ismaamulka Mombasa.
Barnaamijkan caawimaadda ayaa ku kacaya lacag dhan 10 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa muddo 30 cisho ah loogu gargaarayaa qoysaska danyarta ah ee dhibaatooyinka u nugul waxaana sido kale loo qodayaa 2 ceel biyood.
Barnaamijkan ayuu bangiga fulinayaa iyadoo uu kaashanada dowladda ismaamulka Mombasa gaar ahaan guddiga gurmadka degdegga iyo nafaqada ee ismaamulkaas.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro in dadka dhibaatooyinka u nugul looga fududeeyo culeyska dhaqaale ee uu la yimid caabuqa corona.
Bangiga DTB ayaa 5 milyan oo lacagtan ka mid ah ku qarash gelin doono in cunno loogu soo iibiyo qoysaska la caawinaya halka 5-ta milyan ee kale ceelal looga qodaya deegaanka Likoni.
Waxaa la filayaa in ceelasha ay ka faaiidaystaan ilaa 20,000 oo qof oo ah dadka deeganka.
Barasaabka Mombasa Cali Xassan Joho ayaa bangiga DTB uga mahadceliyay tageerada wuxuuna codsaday in la sameeyo kuwo badan oo gargaar noocan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here