SAWIRO:Barasaabyada Wajeer iyo Marsabit oo tagay meel lagu dagaalamay

Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud iyo dhigiisa Marsabit Maxamuud Maxamad Cali ayaa tagay meelo ay dhawaan dagaalo ka dhaceen oo ku yaalla xuduudda ka dhexeysa labada dowlad deegaan.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in safarkaas ay ku wehelinayeen xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha deegaanka iyo kheyraadka dabiciiga u qaabilsan dhanka maamulka Mr. Maxamad Ibraahim Cilmi , qaar ka mid ah xildhibaannada Marsabit, Mandera iyo Wajeer , waxgarad, aqoonyahaano iyo saraakiisha amniga ee dowladda dhexe.
Mas’uuliyiintan ayaa si kulul u cambaareeyay iskudhacyo maalmo ka hor halkaas laga soo tabiyay oo uu khasaare ka dhashay.
Sido kale bulshada ayay ugu baaqeen inay nabadda ku dadalaan si dib loogu soo celiyo xasilooni jirtay sannado badan.
Mr. Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa dhanka kale madaxda Marsabit uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen in dib loo soo helay xoolo lala baxsaday xilligii ay dagaalladu dhaceen.
Wafdiga halkaas tagay ayaa booqday qoysas barakacay waxayna u qeybiyeen gargaar cunno ah.

Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynan Weheliye ayaa dhankiisa sheegay inay ku qanacsan yihiin dadaallada ay waddo dowladda ee lagu badbaadinaya hantida shacabka iyo noloshooda.

Mudanaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay dowladda kala shaqeynayaan sidii dhibaatadan soo noqnoqotay xal waara looga gaari lahaa.
Dadweynaha ayuu ku booriyay inay aad isku xakameyaan oo aynan rabashad ku kicin.
Sido kale waxaa uu kula taliyay inay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan cid kasta oo ku howlan inay dagaal beleedyo dhacaan.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi uu sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan hannaanka amniga ee xuduudda Wajeer iyo Marsabit.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyin horay halkaas uga dhacay ay sababeen khasaaro nafeed sidaas awgeedna aan marnaba loo dulqaadan Karin in xaaladda sida ay hadda tahay ay ku sii socoto.
Waxaa uu mas’uuliyiinta siyaasadeed uga digay inay shacabka naceyb iyo cadowtinimo ka dhex abuuraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here