SAWIRO:Booliska oo raadinaya eedeysanayaal ka baxsaday xabsi ku yaalla Bungoma

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Bungoma ayaa dabagal ku haya 10 eedeysanayaal oo ku jiray saldhigga dhexe ee booliska ee Bungoma kuwaasoo baxsaday.
Maxaabiistaan ayaa jeexay marin u fududeeyay inay baxsadaan xalay abaaro 3-dii habeenimo.
Koox isku dhaf ah oo isugu jiro kuwo ka howlgalayay saldhiga iyo agaasinka waaxda dambi Baarista ee DCI-da ayaa qabtay mid ka mid kooxdi baxsatay kaddib markii laga toogtay bowdada isagoo isku dayay inuu baxsado.
Waxaa haatan lagu dabiibaya isbitaalka dhexe ee Bungoma iyadoo lagu raad jooga kuwa maqan.
Kuwa baxsadka ah ayaa magacyadooda iyo dambiyada ay u xirnaayeen lagu sheegay Brian Ochieng Onyango (dhac iyo rabshad), John Wanyonyi (dhac iyo rabshad), Clerkson Otieno (tuuganimo), Simon Wekesa (weerar), Collins Juma Nyukuri (weerar), Alex Simiyu Muyekho (Dhacid/boob) iyo midka gacanta lagu dhigay,Isaac Wekesa oo isna u xirnaa dhac.
Taliyaha saldhigga booliska ee Koonfurta Bungoma ,Willison Nanga ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha ay u carareen dhanka meel duur ah sidaas awgeedna lagu raad joogo.
Waxaa uu shacabka Bungoma ugu baaqay inay booliska ku soo wargeliyaan xogta dadkan baxsadka oo uu ku tilmaamay dambiilayaal halis ah.
Ciidamada ammaanka ayaa sido kale u digay cid kasta oo isku daydo inay caawiso eedeysanayaasha cararay maadaama tallaabo adag laga qaadaya.
Sannadkii hore ayay ciidamada booliska ka hor tageen iskuday ay eedeysanayaal ku doonayeen inay saldhigga ka baxsadaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here