SAWIRO:Ciidamadii sugi lahaa amaanka doorashada Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo bandhigay.

Ciidamo la sheegay in laga keenay dalka Nigeria ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho,waxaana lagu biiriyey Booliska AMISOM si ay uga mid noqdaan Ciidamada ka qeyb qaadanaya ilaalinta amniga doorashada Soomaaliya ee dhacaysa dhamaadka sanadkaan ilaa bilowga Sanadka 2021-ka.
Ciidamadaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 130 Askari ayaa dhawaan qaatey tababar la xiriira dhinaca amniga doorashooyinka,waxaana dalka Nigeria uu noqonayaa dalkii ugu horeeyey ee tiradii ugu badneyd ku biiriya Ciidamada Booliska AMISOM ee ka howlgalla gudaga dalka Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ahna kuxigeenka kormeeraha guud ee Booliska AMISOM Augustine Kailie ayaa ku boorriyay Ciidamadaan dhawaan laga soo diray wadanka Nigeria inay u shaqeeyaan si hufan una gutaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta dalalka ku midaysan howlgaka Soomaaliya ee AMISOM.
Taliyaha Guud ee Ciidamada ka socda Nigeria Shehu Axmed Gani ayaa dhankiisa uga mahadceliyey kooxda hoggaanka sare ee Boliiska AMISOM abaabulka & tababarka ay qaateen oo uu ku sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay in ka badan Sanad kaliya ay joogi doonaan Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan Amniga Goobaha muhiimka ah,sida Kulamada doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan Ciidamo lagu qiyaasey in ka badan 2000 oo ka tirsan Booliska AMISOM,kuwaasoo ka kala socda dhowr wadan oo African ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here