SAWIRO:Dab ka kacay Goob Ganacsi oo ku taala magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaay sheegayaan in halkaasi Goobo Ganacsi oo ku yaalla uu ka kacay dab xoogan oo Saamayn yeeshay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbaahinta u sheegeen in dabka uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Bartmaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, isla markaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhagana Kaalinta Shidaalka.
Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaay Bilaabeen gurmad ay ku doonayaan in dabkaasi lagu demiyo, sidoo kale Agabka kala duwan ee ku jira goobaha Ganacsi ee ku dhow halka dabku ka kacay ay ka saarayaan si loo badbaadiyo.
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore uu sidaan oo kale dabka uga kacay goobo Ganacsi oo Kaalimo Shidaal ka mid yihiin, waxaana la sheegay in Magaalada aysan laheyn wax dam demis ah, isla markaana Bulshada ay si iskood ah dabka u demiyaan kaddib markii uu qasaare badan gaysto siday ula tacaalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here