SAWIRO:Dab ka kacay Goob ganacsi oo Muqdisho ku taala

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu Dab geystay khasaaro hantiyadeed uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla kasoo horjeedka Isbitaalka Hooyada & Dhalaanka ee Banaadir.
dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in dabka uu ku faafay inta badan Kaalinta Shidaalka iyo Goobo Ganacsi oo ka agdhawaa ayadoo ay dhanka kale halkaas oo gaareen kooxaha deb damiska isla markaana ay gurmadyo kala duwan oo lagu doonayo in dabkaasi lagu demiyo halkaas ka bilaabeen,waxaana Goobta gaarey Gawaarida dam-demiska ee maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Qof dabkaasi ku gubtey loola cararay Isbitaal,si loogu daaweeyo,hayeeshee aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee uu dabku sababay intuu dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here