SAWIRO:Dab khasaaro geystay oo Muqdisho ka kacay

Waraka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Dabka geystay khasaaro hantiyadeed uu ka kacay guri ku yaalla dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, sidoo kalena uu ku sii faafay Guryo kale oo ku dhagana guriga uu damba ka kacay.
Dadka deriska la ah guriga uu dabka ka kacay ayaa sheegay inuu dabku ka bilaawday Koronto, isla markaana uu baabi’iyay gurigaas iyo guriyihii kale eek u dhawaa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaafada uu dabka ka kacay ay ahayd isku raran, waxaana jirtay in saacado badan uu qaatay dabka ku sii faafay Guryo kale maadaama gaadiidka dam-demiska ah ay geli waayeen, hayeeshee ugu dambeyn lagu Guulaystay in dabkaasi la demiyo.
Shacabka ku nool agagaarka Halka uu dabkaasi ka kacay ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir inay Xarumo loogu soo hagaago u sameeyaan Gawaarida dam-damiska oo mararka qaar si deg deg ah lagu heli waayo.
Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa mararka qaar ka kaca dab xoogan oo inta badan geysta khasaaro hantiyadeed, waxaana jira guryo ku yaalla Xaafado ay adag tahay Galitaankooda gaar ahaan gawaarida dab-damiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here