SAWIRO:Dhakhaatiirta Mandera oo qalliin ku guulaystay

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa howlwadeenada caafimaadka ee dowlad deegaankaas ku ammaanay qalliin ay u sameyeen haweeney xanuunsaneyd 13 sano.
Qallinkan ayuu Rooba ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aan inta badan la sameyn.
Haweeneyda ayaa lagu magacaabaa Xaawo Aadan waxayna dhalasho ahaan ka soo jeedaa dalka Itoobiya.
Qoraalka Rooba waxaa ku xusan in Xaawo ay tagtay isbitaallo badan oo ku yaalla Itoobiya balse aysan u suurtagalin in laga qalo qaybta hoose ee jirkeeda oo bararay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here