SAWIRO:Diyaarado Soomaaliya ka bilaabay buufinta Ayaxa

Kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhawaan la soo wareegtay labo diyaaradooda oo ah kuwa qumaatiga u kaca looguna tala galay in lagu buufiyo Ayaxa Saamaynta weyn ku yeeshay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Diyaaradahaan oo Dowladda Soomaaliya ay Puntland ku wareejisay ayaa waxaay buufinta Ayaxa Maanta oo Talaado ah ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.
Degaanka ay buufinta ka bilaabeen Diyaaraduhu ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhibaato daran ku haayay Ayaxa,waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in beero badan uu baabi’iyay,isla markaana ay Cabasho u gudbiyeen Madaxda Maamulka Puntland.
Diyaaradaha buufinta ka bilaabay deegaannada Puntland oo ah laba kamid ah kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa waxaa 15-kii Bishaan ay gaareen Magaalada Garoowe,waxaana Mashruucaas lagu buufinayo Ayaxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Buufinta Ayaxa ee deegaannada ka tiran maamul goboleedka Puntland ayaa waxaay socon doontaa sida uu qorshuhu yahay muddo 10 Cisho ah,waxaana sidoo kale ay buufin ka sameyn doonaan deegaannada Maamulada,Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Soomaaliland si ayaxa loogula dagaalamo meelaha uu saamaynta weyn ku hayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here