SAWIRO:Dowladda oo lagu wareejiyay in ka badan 140 kun oo maaskaro ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in bangiga ganacsiga iyo horumarka uu ugu deeqay 140,000 oo ah marada sanka iyo afka lagu xirto ee ay isticmaalaan howlwadeenada caafimaadka.
Waxay wasaaraddu sheegtay in adeeggan lagu wareejin doono saraakiisha caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda coronavirus.
Dhanka kale wasaaradda ayaa walaac ka muujisay kiisaska hor leh ee laga soo tabinaya ismaamullada ku yaalla xuduudda ay Kenya la leedahay wadamada dariska la ah gaar ahaan Migori iyo Kajiado.
Mas’uuliyiinta ismaamulladan ayaa loogu baaqay inay kordhiyaan kormeerka iyo baaritaannada la xiriira caabuqa.
Sido kale wasaaradda caafimaadka ayaa mar kale dadweynaha ugu baaqday inay guriyahooda joogaan, aynan tagin meelaha la isugu yimaado , si joogta ah ay gacmaha ugu dhaqdaan saabuun, biyo iyo gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Dowladda ismaamulka Kajiado ayaa sheegtay in xarun baaritaannada lagu sameynaya ay ka hirgelin doonto dhanka xadka magaalada Namanga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here