SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo dib u furtay qaar ka mid ah waddooyin xirnaa in ka badan 2 Sano

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay qaaday dhagxaanta ay horay ugu xirtay qaar kamid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo ay marar badan shacabku sheegeen inay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen.
Goobaha Dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa kamid ah, Isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi iyo Digfeer oo dhamaantood ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhagxaantii taallay meel u dhow Isgoyska Danwadaagaha ee degmada Wadajir halkaasi laga qaaday.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo hadda laga joogo wax ka badan laba sano waxay sababo amni dartood dhagxaan waaweyn ugu jartay waddooyinka jidcadayaasha ah iyo inta badan Isgoysyada Magaalada Muqdisho wallow weli dhagxaanta ay yaalaan waddooyinka jidcadayaasha ah.
Wararka kale ay warbaahintu heleyso ayaa waxay sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in sidoo kale dhagxaanta ay ka qaado waddooyinka iyo Isgoyada kale ee Muqdisho si Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay si caadi ah ugu maraan halkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here