SAWIRO:Eedeysanayaal lala xiriirinayo in dhac ka geysteen xaafadda Parkland oo gacanta lagu soo dhigay

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in gacanta lagu dhigay Shan eedeysanayaal ah oo lagu eedeyey in ay jabsadeen guryo ku yaalla xaafadda Parklands ee magaaladatan Nairobi .
Waaxda DCI-da ayaa shakhsiyaadkan magacyadooda ku kula sheegtay Susan Wambui Njoroge, Kennedy Aluoch, Kilibe Justin, Samson Wanjohi iyo James Mwangi.
Edeysanayaashani ayaa gacanta lagu soo dhigay kaddib markii sarakiisha DCI-da ay cabashooyin ka heleen xubnaha shacabka ku nool xaafadaasi.
Saraakiisha Waaxda DCI-da ayaa waxay sheegeen in ay gacanta ay ku soo dhigeen qalabyo dhowr oo isugu jiro Laptops, , telefoonnada gacanta iyo qalab kale oo ay ka xadeen guryaha dhibbanayaasha .
Shaksiyaadkan ayaa haatan lagu haya saldhigga booliska iyadoona dacwad lagu soo oogi doono sida haboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here