SAWIRO:Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo Muqdisho ka dhacay

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa howlgal dad badan lagu qabqabtey ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir,howlagkaasoo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayey.
Howlgalkaan oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa sigaar ah looga fuliyey Waaxda Xalane ee degmadaasi,waxaana uu ahaa howlgalku mid Wadooyinka iyo Guryaha qaar laga sameynayey.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay dad u badan Dhalinyaro, oo la isugu geeyey Goob gaar ah,hayeeshee muddo kadib qaarkood la sii daayey halka qaarkalena la geeyey Saldhiga Ciidanka Booliska ee degmada wadajir.
War kooban oo kasoo baxay Maamulka degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu shegay in dadka howlgalka lagu qabtey looga shakisan yahay inay ka qeyb qaateen falal amnidarro oo ka dhacay degmadaasi Wadajir.
Shalay Gelinkii hore ayaa Xarunta degmada Wadajir waxaa lagu qabtey kulan looga hadlayey Amniga Degmooyinka Qeybta Galbeed ee Magaalada Muqdisho,waxaana guddoomiyey Duqa Muqdisho Cumar Filish,ayadoo looga hadley dardargelinta qorshayaasha Amniga degmooyinkaasi.
howlgalka ay xalay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ka sameeyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Tira ahoobiyeyaal ah lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wadeen duleedka deegaanka Janaale oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in howlgalkaas lagu qabtey Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasoo Magaciisa lagu sheegay Xasan Suleyt oo loo yaqaano (Xasan Ganeey).
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo kusugan degaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Sarkaalkaan ay Ciidanka kasoo qabteen deegaanka Janaale isagoo ku dhuumaaleeysanaya sida uu xusay.
Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ,isla markaana taasi ay suurtagelisay inay ku guuleystaan Amniga deegaanka Janaale iyo deegaano kale oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
dagaalameyaasha Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku saabsan Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu sheegay in la qabtey Madaxii amnyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here