SAWIRO:Ismaamulka Wajeer oo faahfaahiyay tallaabooyinka uu kula tacaalaya cudurka covid-19

Dowladda ismaamulka Wajeer ayaa sheegtay in xarun ku meel gaar iyo sido kale mid karantiil laga sameeyay Diif oo ka tirsan Koonfurta Wajeer.
Sido kale waxaa tababar ku aaddan cudurka la siiyay howlwadeenada caafimaadka
Dadweynaha Wajeer ayaa sido kale loo sameynaya wacyigelin ku aaddan covid-19 iyadoo loo gudbinaya fariimaha ugu muhiimsan.
Sido kale waxaa ka xiray dhammaan meelaha dhanka xadka ee laga soo galo magaalada Diif iyo suuqa xoolaha.
Wajeer ayaa dadaallada ka dhanka ah cudurka covid-19 sare u sii qaadday kaddib markii halkaas laga xaqiijiyay laba kiis oo ah kuwa caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here