SAWIRO:Kenya oo dadaal ugu jirto ka mid ahaanshaha golaha ammaanka ee QM

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay dowladda dadaal badan ku bixinayso sidii ay Kenya xubin uga noqon lahayn golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ololaha dowladda oo cod lagu taageero ay kaalin weyn ka qaadanayso ammaanka caalamka.
Mr. Kenyatta oo tusaale u soo qaatay kaalinta ay Kenya ka qaadatay arrimaha nabad sugidda ee Soomaaliya ayaa xusay inay u qalmaan in taageero loo muujiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka dowlad ahaan ka go’antahay inay qaaradda Afrika ku matalaan golaha UNSC.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu xalay kulan dhanka online-ka la qaatay wakiillada sida joogtada ah dalalka kala duwan ugu matalo qaramada midoobay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maanta ay dhacayso codeyn ku saabsan ka mid ahaanshaha golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Kenya iyo Jabuuti ayaa tartan ugu jiro inay noqdaan xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan golahan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka jawaabayay su’aalo uu weydiiyay wakiilka Singapore ee qaramada midoobay Burhan Gafoor ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii goluhu uu u ansaxin lahaa heshiis ku aaddan la tacaalidda khatarta weerarrada dhanka intarneetka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mrs. Raychelle Omamo ayaa wakiillada ka codsatay inay u codeyaan Kenya.
Wakiilka qaramada midoobay ee dalka Algeria Sofiane Mimouni ayaa Kenya u muujiyay tageero ku aaddan ololaha ay waddo wuxuuna sheegay inay wax badan ku biirin doonto amniga caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here