SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo ammaanay falcelinta wadamada Afrika ee ku aaddan cudurka COVID19

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa boogaadiyay dadaallada wadamada qaaradda Afrika gaar ahaan qaabka ay kaga falcelinayaan cudurka COVID19.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in Mr. Kenyatta uu u riyaaqay sida tallaabooyinka ay gacan kaga gaysanayaan xakameynta faafitaanka fayraska corona.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo kheyraadka qaaradda ay yihiin kuwo aan badneyn haddana in la qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu badbaadinaya nolosha shacabka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in Afrika ay si weyn ula tacaashay cudurka marka la barbardhigo wadamada qaaradaha kale ee caalamka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray in qaaradda ay ku nool yihiin 1.2 billyan oo qof balse ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay ilaa 400,000 oo kiisaska coronavirus iyo dhimasho ah ugu yaraan 10,000 .
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka qeyb galay kulan online ah oo uu soo qabanqaabiyay golaha Afrika u qaabilsan arrimaha nabadgalyada ee (ISCP-Africa).
Mr. Kenyatta ayaa dowladaha iyo shacabka qaaradda uga digay inay isdhigtaan wuxuuna sheegay in bilooyinka soo socdo ay sii kordhi karaan xaaladaha cudurka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa madaxda Afrika ugu baaqay inay si dhow u wada shaqeyaan oo iyagoo kaashanaya deeq bixiyaasha ay la yimadaan qorsho lagu badbaadin karo dadka dhibaatooyinka u nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here