SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo hoggaamiyaasha Afrika ugu baaqay inay is kaashadaan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta Xilli uu ka qeyb galay kulan online

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha kale ee wadamada qaaradda Afrika ku booriyay inay si weyn isaga kaashadaan arrimaha horumarka.
Xilli uu ka qeyb galay kulan online ah oo hal ku dhiggiisu yahay dabar adeegga caalamka ayuu Mr. Kenyatta soo jeediyay in beesha calaamka ay wadamada Afrika u aragto sido kalena ula macaamisho saaxibbo dalalka kale ee caalamka kala siman ka shaqeynta barnaamijyada dhanka horumarka.
Sido kale madaxweynaha dalka ayaa ku taliyay in Afrika ay xoogga saarto sidii ay qeyb uga noqon lahayd xal u helidda caabuqa corona.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale dhalinyarada ku booriyay inay la yimaadaan fikrado ganacsi si ay maalgelin uga helaan dowladda iyo deeq bixiyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here