SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo hoggaamiyaasha caalamka ugu baaqay inay iska kaashadaan Covid-19

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau , dhigiisa dalka Jamaica Jamaal Andrew Holness iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterress

Madaxweynaha dalka Mr .Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in calaamka looga bahan yahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus.
Mr. Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyey baahida loo qabo midnimada caalamiga iyo muhiimadda ay leedahay in dhammaan daneeyayaasha ay si wadajir ugu wada qeyb qataan dadaalada lagu ciribtiraya cudurka covid-19
Waxaa uu intaa ku daray in dowladiisa ay ku dadaalayso sidii ay u yareyn laheyd faafitaanka cudurka iyo sidoo kale ku taageerida gobolka iyo qaaradda sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada caafimaad ee cudurkan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah cudurka Corona ay tahay mid wadan kasta loogu bahan yahay in uu ka qeyb qaato ciribtirkiisa .
Sido kale waxaa uu beesha caalamka ka dalbaday in ay xooga saaraan dhaqan gelinta hiigsiga qaramada midoobay ee 2030-ka
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkani jeediyey Xilli uu ka qeyb galay kulan online ah uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau , dhigiisa dalka Jamaica Jamaal Andrew Holness iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterress.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la balaariyo boosaska maaliyadeed iyo in la dardar galiyo abaabulka kheyraadka gudaha iyadoo laga hortago qulqulka maaliyadeed ee sharci darrada ah.
Isaga oo ku kulanka ku matalayay dhigiisa Koonfur Afrika ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ,Cyril Ramaphosa ayuu Mr.Kenyatta sheegay in Covid-19 uu khatar dhab ah ku yahay awoodda wadajirka ah ee bulshada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here