SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in deymaha laga cafiyo wadamada Afrika

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo jeediyay in culeyska uu la yimid cudurka COVID-19 awgii wadamada qaaradda Afrika laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la soo dhiso guddi iskudhaf ah oo ka dhexeya midowga Yurub iyo Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in guddigan uu soo saari doono falcelinta istaratiijiyadeed ee ku aaddan COVID19.
Sido kale waxaa uu sheegay in xubnaha ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga saari lahaa deymaha deeq bixiyaasha caalamka ay ku yeesheen dalalka qaaradda.
Hadalkan ayuu Mr. Kenyatta jeediyay xilli isagoo ku sugan madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State uu kulan online ah la yeeshay madaxda Yurub iyo Afrika.
Mas’uuliyiinta ayaa soo hadal qaaday in la soo dhiso hay’ad loogu magacdaraya Africa-Mediterranean-Europe (AME) .
Waxaa ay hay’addan oo in la sameeyo uu hor kacaya madaxii hore ee guddiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker diiradda saari doontaa arrimaha horumarka iyo iskaashiga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo jeedintan soo dhaweeyay wuxuuna sheegay inay kaalin ka qaadan karto in lala yimaado fikrado cusub oo dhanka horumarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here