SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in laga faaiidaysto kartida dhalinyarada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika ku booriyay inay ka faaiidaystaan kartida da’yarta ee dhanka wax soo saarka.
Waxaa uu xusay in marka la dejinaya istaraatiijiyadda ku aaddan la tacaalidda iyo ka soo kabashada cudurka Covid-19 ay lagama maarmaan tahay inaan la fududeysan doorka dhalinyarada.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in dhalinyarada ay yihiin kheyraadka ugu weyn ee Afrika .
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in iyadoo la adeegsanaya horurmarka dhinaca dijitaalka loo baahan yahay in dhalinyarada wax soo saarka leh fursad la siiyo si ay shaqa abuur ugu noqoto.
Hadalkan ayuu madaxweynaha ka jeediyay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House magaaladatani Nairobi xilli uu qaab online ah kaga qeyb galay shirka shanaad ee golaha midowga Afrika.
Waxaa kulanka isugu yeeray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ahna guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here