SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo ku dhawaaqay olole nadaafad ah

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru kenyaatta ayaa ku dhawaaqay olele nadaafad ah oo lagu sii xoojinayo bilicda dalkani Kenya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ololaha nadaafadda ee guud ahaan dalka laga bilaabi doono 1 bisha Sebtember ee sannadkan.
Waxaa cinwaan looga dhigay ololaha nadiifinta Kenya .
Tan ayaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado soo nooleynta bilicda deegaanada dalka .
Bulshada ayaa qeyb ka noqon doonta nadaafadda dalka iyagoona la kaashan doono dowladda.
Xukumadda dalka ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso dib u soo cusbooneysiinta qurxinta dhowr goobood Nairobi Arboretum, Karura Forest, City Park iyo Ngong Road Forest.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here