SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo maamulka NMS ku ammaanay howshii ay qabteen 100 maalmood ee ugu horeesay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku ammaanay Maamulka loo xilsaaray maareynta adeegyada caasimadda dalka oo u hoggamiya Maxamad Badi howshii ay qabteen 100-kii maalmood ee ugu horeesay.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xubnaha maamulkan ugu baaqay in ay ka shaqeeyan sidii magaalada Nairobi ay u noqon lahayd tusaalaha Istaraatiijiyadeed marka la ciribtiro cudurka sii faafaya ee covid19.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku booriyay NMS inay ka shaqeyso sidii ay Nairobi uga dhigi lahayd magaalo lagu daydo.
Mr .Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Barnaamijka Nadaafadda Qaranka ee loogu magac daray “Kazi Mtaani Initiative”, oo loogu talagalay in shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada ku nool xaafadaha dadka saboolka iyo qoysaska darbi jiifka ah ee Nairobi ay qayb libaax leh ka ciyaari doonto arrintaasi.
Mr Kenyatta ayaa wuxuu ka codsaday maamulka cusub ee caasimadda inuu fiiro gaar ah siiyo xal u helidda caqabadaha dhanka maamulka ee wajahaysa magaala madaxda dalka.
Madaxweynaha ayaa xili u shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa Harambee uu sheegay in saddaxdii bilood ee la soo dhaafay boqolaal dhalinyara ah oo ku nool Xaafadaha isku raranka ee magalada Nairobi ay ka fa’Iideysten barnaamijka dowladda ee Kazi Mtaani Initiative”.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale waaxda addeega caasimadda Nairobi ugu baaqay in ay sii wadaan dadaalkooda isla markana wax ka badalaan bilicda magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here