SAWIRO:Madaxweynaha dalka oo tagay machadka KIST ee Kiambu

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan tagay machadka bixiya culuunta sayniska iyo farsamada ee ismaamulka Kiambu ee (KIST)
Waxaa ay isaga iyo madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter oo wadanka booqasho ku joogo ay si wada jir ah u dhagax dhigi doonaan dhismaha xarun gaar u ah tayaynta warshadaha.
Dowladaha Kenya iyo Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday inay iska kaashan doonaan xoojinta xirfadaha dhanka farsamada iyo tacliinta la xiriirta.
Arritan ayaa shalay laga sheegay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House kaddib kulan laba geesood ah oo ay yeesheen wufuud matalayay wadamada Kenya iyo Jarmalka.
Shirka waxaa guddoominayay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa wadankaas Frank-Walter Steinmeier oo dalka safar ku joogo.
Madaxweyne Uhuru ayaa shaaciyay in dowladda Jarmalka ay qorsheynayso inay Kenya ka caawiso in la dhiso jaamacad lagu barto culuunta sayniska ee la adeegsado ee loo yaqaano applied sciences.
Sido kale Jarmalka ayaa xusay inay ka go’antahay inay sii waddo taageerada dhinaca farsamada ee gudaha wadanka.
Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay qaaradda Afrika garab ku siiso la tacaalidda Ayaxa ee saameynta ku yeeshay.
Mr. Frank-Walter ayaa xusay in Ayaxa haddii aan wax laga qaban uu halis gelinayo wax soo saarka cunnada ee qaaradda sidaas awgeedna lacag dhan 3 milyan oo Yuuro ay siinayaan qaramada midoobay iyo hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO.
Madaxweynaha Jarmalka ayaa dalka ku joogo safar saddex maalmood ah wuxuuna hoggaaminaya wakiillo matalaya shirkadaha ganacsiga, waaxyaha cayaaraha iyo waxbarashada.
Muddo sanooyin ah in ka badan 100 shirkadood oo laga leeyahay Jarmalka ayaa gudaha wadanka Kenya howlo ka billaabay waxayna leeyihiin maalgelin dhan 500 milyan oo Yuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here