SAWIRO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Xudur

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Safarka Madaxweynaha koonfur Galbeed uu ku tagay Magaalada Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, uu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada halkaas ka howlgalo.
Waxaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here