SAWIRO:Madaxweynaha oo saxiixay sharciga dhageysiga kiisaska la xiriira ganacsiyada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay qalinka ku duugay sharci dhigaya in maxkamadaha ay dardargeliyaan dhageysiga muranada la xiriira ganacsiga.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Sharciga uu hoggaamiyaha dalka saxiixay ayaa loo yaqaannaa Small Claims Bill, 2020 shalay ayuuna dhaqan galay.
Waxaa uu fududeynayaa in maxkamadaha ay dhageystaan go’aanna ka gaaraan muranada salka ku haya arrimaha ganacsiga ee aan qiimo ahaan ka badneyn hal miyan oo shilin.
Dowladda ayaa doonaysa in iyadoo sharcigan la adeegsanaya la soo saaro dhaqaale la isku hayo si uu u jiro maalgashi ballaaran oo gudaha dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here