SAWIRO:Madaxweynaha oo saxiixay sharciga maaliyadda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay miisaaniyad sannadeedka 2020/2021-ka , hindise sharciyeedka maaliyadda ee the 2020 Finance Bill iyo midka dheeraadka ah ee sannadkii 2019/2020-ka.
Miisaaniyadda uu Mr. Kenyatta ansaxiyay ayaa dhan . 3.2 tiriliyoon oo shilin.
Waxaa dhaqaalahan qeyb ka ah 56.6 bilyan oo lagu biirinayo kobcinta dhaqaalaha wadanka ee uu saameynta ballaaran ku yeeshay cudurka COVID19.
Sido kale waxaa ku jirta 128.3 bilyan oo loo qoondeeyay ajeendayaasha horumarineed ee dowladda ee afarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here