SAWIRO:Qoysas ay saameeyeen daadadka Garissa oo la caawiyay

Waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan bixinta adeegyada biyaha oo kaashanaysa hay’adda UNICEF ayaa gargaar cuuno ah u qeybiyay qoysaska deggan xaafadaha ay fatahaadaha saameeyeen ee Bakuyu iyo Ziwani ee dowlad deegaankaas.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee waaxda Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 700 oo qoys oo xaafadahaas degganaa ay hooy la’aan noqdeen.
Qoysaskan ayaa sido kale loo qeybiyay caagagga biyaha lagu shubto, baaldiyaal iyo saabuunno.
Ilaa 1500 oo qof oo barakacay ayaa hadda waxaa hooy u ah goob u dhow xafiiska waaxda dab damiska ee Garissa.
Wasiirka biyaha ee ismaamulka Garissa Ciise Oyow ayaa sheegay in caawimaadda ay UNICEF gacan ka gaysatay ay kaalin weyn ka qaadan doonto sare u qaadidda nadaafadda iyo badqabka shacabka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here