SAWIRO:Rag looga shakisan yahay argagixisanimo oo lagu qabtay Uasin Gishu

Wararka inaga soo gaaraya ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay laba nin oo looga shakisan yahay inay ka mid yihiin kooxaha aragagixisada.
Waxaa soo qabashada raggaan iska kaashaday waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da, saraakiisha waaxda qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU iyo saraakiisha bixiyo qeybta adegyada gaarka ee SSU.
Raggan ayaa laga soo qabtay tuulada Chepkatet ee hoos tagto deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Labadan nin ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Maxamad Axmed oo da’diisu tahay 59 sano iyo Nasanga Ibraahim oo da’diisu tahay 68 sano oo ka soo jeeda dal shiisheeye.
Intii uu howgalka socday saraakiisha ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha qarxa oo ay labada nin wateen.
Edeysanayaasha ayaa lagu hadda hayaa saldhigga booliska iyadoo dembi baarayaasha ay wadan baaritaan la xiriira arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here