SAWIRO:Roobab Xalay Muqdisho ka da’ay oo ay saamayn ka dhalatay

Wararka ka imaanaya Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay roobab xooggan oo ka da’ay ay ka dhalatay Saamayn Balaadhan oo Naf iyo maalba leh.
Muqdisho waxaa ka da’ay roob xoogan oo sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burur hantiyadeed,maadaama oo roobku watay dabeyel xoogan oo siweyn looga dareemay Magaalada.
Wararka ayaa sheegayaa in Roobkaan uu sababay inuu soo dumo mid kamid ah guryaha khadiimiga ah ee ku yaalla Ceel-Qalow oo ka tirsan Xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir,waxaana halkaasi ku geeriyooday Afar Carruur ah iyo Ayeeyadood sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya baahisay.
Dadka deriska la’ay qoyska uu gurigu kusoo dumay ayaa qaarkood Warbaahinta u sheegeen in Xaafada Ceelqalaw uu inta badan Roobka aad u saameeyo,isla markaana Guryahooda ay Biyaha ugu soo galeen.
Wararka ayaa intaas ku darayaan in Gurmad loo sameeyey Qoyska uu Guriga kusoo dumay ay sababtay in dhowr qof oo kale la soo badbaadiyo Gurigana laga bixiyo si aysan waxyeelo dheeraad ah u Soo gaarin.
Wadada laamiga ah ee marta Ceelqalaw ayaa marka la gaaro xilli Roobaadka waxaa fariista Biyo farabadan,waxaana taasi ay sababtaa in gaadiidka ay ka wareegsadaan,isla markaana ay maraan wadooyinka qardajeexa ah.
Gobolo Magaalooyin iyod egmooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya ayay roobabka da’aya Saamayn Balaadhan ku yeesheen.
Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa lagu soo waramayaa inuu dalagoodii ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga degmada xuddur ku da’ay.
Daadadkaan oo marwalba oo Sanadu barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada xuddur gaar ahaan kuwa qudaarta lagu beero ayaa sababay kadib roobabka mahiigaan ah oo ka dhulka taaga ah oo ilaa 50km waqooyi kaga beegan magaalada xitaa haduusan gudaha magaalada ku di’in.
Roobka Gugga oo daadad Xooggan wata ayaa si weyn u saameeyey beeraha khudaarta degmada Xudur oo xilligii jiilaalka labeerey looguna tala galay inay bisha ramadaan soo go’aan waxaana sidoo kale jira dad deyrta la soo dhaafey khudaartii iyo dhamaan Dalagyadii ay beerteen sidaan oo kale daadadku latageen.
Guddoomiye kuxigeenka degmada xuddur ayaa sheegay in saameyn daran ay ka dhalatay daadadka,isla markarkaaana ka maamul ahaan ay wadaan qorsho looga hortagayo daadadka Roobka magaaladaasi ku soo lalaabta.
Waxa jira togag waa weyn oo biyaha keena magaalada Xuddur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada kuwaasoo u baahan qorshi dhamaystiran oo xal loogu keenayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here