SAWIRO:Ruto iyo Raila oo boqday guriga Tuju

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa garabka mucaaradka Raila Odinga ayaa shalay wada booqday xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju kaas oo ka soo kabanayo dhaawac ka soo gaaray shil uu bishii hore uu galay.
Mr. Odinga ayaa tagay guriga Mr Tuju xili uu Dr Ruto oo guriga ka sii baxayay iyagoona hal sawir wada galay waxaana wehlinayay hoggaamiyeyaal xuluufo la ah ku xigeenka madaxweynaha ku waas oo kala ah senetarka ismaamulka Nairobi johston Sakaja, senetarka ismaamulka Elgeyo marakwet Kipchumba Murkomen, Xildhibaan Koonfurta Gatundu Moses Kuria iyo senetarada ismaamulka Nakuru Susan Kihika.
Mr Tuju waxaa uu dhaawac ka soo gaaray shil gaari 12-kii Febraayo xilligaas oo uu ka qeeyb gali rabay aaska madaxweynihii hore ee dalka Daniel Moi.
20-kii bishaas ayaa loo qaaday Ingriiska si uu u helo daaweyn dheeraad ah waxana la socday qoyskiisa.
Waxaa dhawaan lagu soo celiyay dalka isagoona lagu dhaaweenayay isbitaalka Karen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here