SAWIRO:Sonko oo fariin u diray madaxweyne Uhuru Kenyatta

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu shaqada ka eryo wasiirada ka tirsan xukuumadiisa ee ku lugta leh musuqmaasuqa.
Sonko ayaa ku tilmaamay arrin xaasidnimo ah ama cadaalad ahayn in kaliya baaritaano lagu hayo guddoomiyeyaasha ismaamulada halka madaxda sare ee dowladda la daayay si xor ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dhamaan madaxda sare ee dowladda ay ogyihiin magacyada waa weyn ee ku lugta leh dacwada dhulka ee deegaanka Ruaraka taas oo lagu lunsaday lacag dhan 1.5 bilyan oo shilin.
Sonko ayaa xusay in ilaa iyo hadda aan cidna loo qaban ama lagula xisaabtamin fadeexaddaas.
Mr. Sonko ayaa ka mid barasaabyada lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday malaayin shilin isagoona lagala wareegay qaar kamid ah howlaha dowladda hoose ee Nairobi.
Baaqa Sonko ayaa ku soo aadaya iyadoo guddoomiyaha Migori Okoth Obado uu wajahayo eedeymo musuqmaasuq oo lagu lunsaday 73 milyan oo shilinka dalka.
Barasaabka ismaamulka Nairobi ayaa hadalkan ka jeediyay ismaamulka Kisumu halkasi oo uu uga qayb galay aaska ciyaaryahaankii hore ee dalka iyo kooxda Mathare Kevin Oliech oo u geeriyooday cudurka kansarka.
Waxaa uu dhanka kale soo dhaweeyay heshikii dhexmaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggamiyaha mucaradka Raila odinga.
Dhanka kale Xildhibaanka laga soo doorto bariga Embakasi ee magaaladatan Babu Owino ayaa sheegay in hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga uu xilka kala wareegi doono madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaa uuna xusay in markiisi shanaad uu u tartami doono xilka hoggaanka ugu sarreeyo dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here