SAWIRO:Ugu yaraan 1000 arday oo casharrada ku helaya qaab online ah

Arday ka soo jeedo in ka badan 1,000 qoys oo ku nool xaafadaha Kawangware iyo Dandora ee magaaladatani Nairobi ayaa la filaaya in ka faiidaan qalab u fududeynaya inay qaab online ah ku qaataan casharrada maadaama ay dugsiyada xiran yihiin.
Waxaa barnaamijkan si wadajir ah u fulinaya hay’adda safaricom u qaabilsan caawinta bulshada ee Safaricom Foundation iyo hay’adda Dignitas oo aan dowli ahayn kana shaqeysa bixinta fursadaha waxbarasho ee xaafadaha isku raranta
Dhibaatada hadda jirta ee cudurka covid-19 waxay saameyn ku yeelatay waxbarashada maalinba maalinta ka dambeysa taasoo saameyn ku yeelatay ardayda, gaar ahaan kuwa aan awoodi karin taleefannada casriga iyo kombiyuutarrada loo yaqaano tablet si ay cashirada qaab online ugu helaan.
Bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii shirkadda Safaricom ay shaacisay inay iskaashi la sameysay shirkadaha Eneza Education, Publisher Longhorn iyo Viusasa Elimu si ardayda dugsiyda hoose dhexe iyo dugsiyada sare ay u helaan cashirada iyaga oo guryahooda jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here