SAWIRO:Waaxda DCI oo xirtay eedeysane loo haysto falal dambiyeedyada intarneetka

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigtay eedeysane lagu magacaabo Archibald Kalela Mwandawiro oo 52 sano jir ah.
Ninkan ayaa loo haystaa inuu xog sir ah ku gudbiyay dhanka intarneetka.
Waxaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Milondo ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta.
Saraakiisha dambi baarista ayaa eedeysanaha ku sheegay qof inta badan safro kuna takhasusay sayniska dhanka kombiyuutarrada.
Eedeynta loo soo jeediyay ayaa ah inuu mid ka mid ah wadamada galbeedka la wadaago xog aan rasmi ahayn.
Ciidamada ayaa xog dhanka sirdoonka oo ay heleen kaddib hooyga eedeysanaha ka fuliyay howlgal ay ku soo qabteen qalab kala duwan oo loo isticmaalo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here