SAWIRO:Xisbiga ODM oo doonaya in xilka laga qaado barasaabka Migori

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa shir uu shalay yeeshay ka soo saaray go’aan ah in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Migori ay billaabaan geedi socod xilka guddoomiyanimo ee dowlad deegaankaas looga xayubinayo Okoth Obado.
Mr. Obado oo isaga iyo afar carruur oo uu dhalay lala xiriiriyay musuqmaasuq ayay dhawaan maxkamadda Milimani ee Nairobi ku siidaysay damiin lacageed.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay ismaamulka Migori ka dhaceen 73.4 milyan oo shilin.
Maxkamadda ayaa sido kale amartay in barasaabka uunan tagin xafiiskiisa uu bulshada Migori ugu adeego.
Obado ayaa dhanka kale laga mamnuucay inuu dalka dibadiisa safar ugu ambabaxo.
ODM ayaa sheegtay in kaddib wada-tashi lala sameeyay wakiillada golaha hoose ee Migori la go’aansaday in Okoth Obado xilka laga qaado si loogu wareejiyo ku xigeenkiisa Nelson Mahanga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here