SAWIRO:Xubnaha golaha halyeeyada dalka oo la dhaariyay

Waxaa xilalkooda loo dhaariyay guddoomiyaha golaha halyeeyada dalka horayna u soo noqday xoghayaha guud ee golaha sare ee muslimiinta ee SUPKEM Aden Wachu iyo xubnaha kale.
Munaasabadda dhaarinta waxaa guddoominayay madaxa cadaaladda dalka David Maraga.
Aden Wachu waxaa la shaqeyn doono 5 xubnood oo uu ka mid yahay Peter Tabichi oo loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan caalamka sannadkii 2019-kii iyo orodyahanka Eliud Kipchoge.
Guddoomiyaha golahan , Aden Wachu ayaa ballanqaaday inay dalka si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegi doonaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay sida habboon u soo xuli doonaan halyeeyada wadanka si loo aqoonsado oo abaalmarin loo gudoonsiiyo xilliga xafladaha qaran.
Mr. Wachu ayaa intaa ku daray inay dib u eegi doonaan taariikhda dalka , macluumaadka horay loo diiwaangeliyay sidoo kalena ay wareysi kala duwan sameyn doonaan si loo ogaado geesiyaasha dhabta ah.
Madaxa cadaaladda dalka Mr. David Maraga ayaa mas’uuliyiinta golahan kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan dalka .
Xubnaha kala ee golahan ayaa kala ah Josephta Mukobe, Mau Mau veteran Gitu Wa Kahengeri iyo Christine Omwakwe.
Waajibaadka golahan waxaa ka mid ah inay soo saaraan xeerar la xiriira danaha halyeeyadii u soo halgamay xornimada wadanka kaalin weyna ka qaatay u adeegidda bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here