Saxmad ka dhalatay shil gawaarida xamuulka

Gaadiidleyda ayaay dantu ku qasabtay in ay ku qaataan habeenkooda waddada weyn ee Mombasa –Nairobi kadib markii saxmad aan horey loo arag ay xalay ka dhalatay halka lagu magacaabo Tsavo
Saxmaddan oo bilaabatay saacaddu marka ay aheyd 8 saac oo habeenimo ee xalay ayaa ka dhalatay laba baabuur oo nooca xamuulka qaada ah kadib markii ay shil galeen islamarkaana ay xireen labada dhinac ee wadadda isaga gudbaan
Madaxa ciidanka traafikada ee Mtito Andei Mr Nike Mbugua ayaa xaqiijiyay dhacdadan waxaana uu sheegay in aysan jirin cid ku dhaawacantay shilka.
Traafikada ayaa sido kale dadaal dheer u galay in ay fududeeyaan ciriirika oo markii dambe guud ahaan la sooo afjaray subaxnimadii khamiista ee maanta .
Xaalada ayaa markii dambe si caadi ah ku soo laabatay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here