Saynisyahanno Maraykan ah oo sheegay in la soo saaray daawo u roon coronavirus

Mareykanka ayaa diiwaangeliyay 1,680 dhimasho ah ee la xiriira cudurka coronavirus 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 87,493, sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee jimcaha oo ay soo tabisay jaamacadda Johns Hopkins.
Dalka Maraykanka ayaa ah dalka si daran uu saameeyay cudurka waxaana ila iyo hadda laga xaqiijiyay kiisas dhan 1,442,924.
Guud Caalamka, in kabadan 4.5 milyan oo qof ayaa cudurka qaaday halka in kabadan 306,000 ay u dhinteen qiyaastii 1.6 milyan oo qof ayaa ka bogsaday.
Dhanka kale Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay cilmiga bayoolajiga ee California ayaa helay daawo wax ku ool ah oo loogu tala galay ka hortagga Cudurka Corona Virus sidda ay tabisay Fox News.
Shirkadaan waxa ay sheegaysaa in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ka joojisay coronavirus inuu galo 100 boqolkiiba unugyada bini’aadamka caafimaadka qaba ka dib tijaabooyin la sameeyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Sorrento waxaa lagu sheegay inay soo saari karto illaa 200,000 bilwaliba, islamarkaana ay u baahan tahay ogolaansho.
Shirkadda waxay ka dalbatay oggolaansho deg deg ah Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA), laakiin weli ma aysan helin .
‘Waxaan dooneynaa inaan carrabka ku adkeyno in ay jirto daawo” maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, ayaa u sheegay Fox.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here