DHAGEYSO:Senatarka Bungoma oo sheegay in la xallin doono muranka dakhliga

Senatarka Bungoma oo sheegay in la xallin doono muranka dakhliga
Senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa sheegay inuu rajeynayo in aqalka sare uu soo afjaro muranka in muddo ah soo jiitamayay ee la xiriira sida ismaamullada wadanka ay ku qaybsanayaan dhaqaalaha soo galo.
Waxaa uu Kenyaanka u xaqiijiyay in maalinka berri arrinkan laga gaari doono xal kama dambeys ah.
Wetangula ayaa carrabka ku adkeeyay in ismaamullada ay heli doonaan dhaqaale ku filan oo ay u adeegsan karaan fulinta mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.

Senatarrada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay isku hayay nidaamka saddexaad ee dowlad deegaannada ay ku qaybsanayaan 316.5 bilyan oo shilin.
Waxaa arrinkan si weyn uga soo horjeestay siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada dalka oo sheegay in ansaxinta nidaamkan ay horseedeyso in dowlad deegaanada aan laga sameyn horumar siman.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Irungu Kang’ata ayaa senatarrada gobolka Rift Valley ku eedeyay inay caqabad ku yihiin dadaalka uu ugu jiro in la xalliyo khilaafka hareeyay qaabka ismaamullada ku qaybsanayaan dakhliga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here