DHAGEYSO:Senatarka Kakamega oo xabsiga laga siidaayay

Senatarka ismaamulka Kakamega Mr. Cleophas Malala ayaa saaka xabsiga Mumias ee dowlad deegaankaas laga siidaayay.
Tani ayaa timid kaddib markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu meesha ka saaray dacwad ka dhan ahayd.
Senatarka ayaa lagu eedeyay inuunan u hoggaansamin amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa loo haystay inuunan ilaalin amarkii lagu mamnuucay isku imaatinka dadweynaha xilli uu dhawaan cunto iyo gacma nadiifiyaal ka qaybiyay Mumias.
Shacabka ku nool magaalada Mumias ee ismaamulka Kakamega, galbeedka dalka ayaa saaka dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in xabsiga laga soo siidaayo senatarka.
Waxay sheegeen in xarigga senatarka uu ahaa mid siyaasadeysan oo la doonayo in looga hor istaago inuu codkiisa ka dhiibto doodda ka socotay aqalka sare ee ku aadaneyd nidaamka ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Dibadbaxayaasha oo waddooyinka Mumias taayarro ku gubay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Cleophas Malala ayaa xalay la geeyay saldhigga booliska ee Mumias kaddib markii shalay laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK sido kalena ka mid ah garyaqaanada u doodaya Malala Nelson Havi ayaa sheegay in senatarka la siidaayay shuruud la’aan.
Mr. Havi ayaa dhanka kale cambaareeyay tallaabadii ay ciidamada booliska ku xireen Malala iyo dhibaateyn uu sheegay in loo gaystay.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaan niyad wanaagsan laga lahayn go’aankii lagu xiray Malala iyo labo senatar oo kale.
Nelson Havi ayaa xusay in xabsi geynta Malala iyo baaritaanada la sheegay in lagu sameynayo ay yihiin kuwo siyaasadeysan.
Senatar Malala ayaa dhankiisa wacad ku maray in dhibaato kasta oo loo gaysto uunan marnaba diyaar u ahayn inuu beddelo go’aanka uu kaga soo horjeestay hannaanka dakhli qaybsiga ee ismaamullada.
Xalay ayay ahayd markii uu senatarka diiday inuu xabsiga gudaha u galo kaddib markii ay ku amreen ciidamada ammaanka wuxuuna sheegay inuu safar ku jiray sideed saacadood sidaas awgeedna uu aad u daalay.
Waxaa uu ku adkeystay in loo soo bandhigo shahaado muujinaysa in xabsiga la buufiyay si uunan u saameyn fayraska corona.
Malala ayaa carrabka ku adkeeyay inaan laga diiwaangelin saldhigga oo lagu khasbay oo keliya inuu xabsiga galo taasoo uu diiday.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka ay ku wargeliyeen oo keliya inuu jabiyay amarrada dowladda ee lagula tacaalaya faafitaanka cudurka COVID19 .
Hasa ahaate waxaa uu ku doodaya in howshaas ay dowladdu u xilsaartay oo xita saraakiisha ammaanka ee Mumias ay ka war qabeen.
Senatarka ayaa kaddib markii xabsiga laga siidaayay dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.

Waxaa sido kale xabsiyada laga siidaayay senatarrada ismaamullada Bomet iyo Samburu oo iyagana shalay la xiray.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here