Senatarka Kisii oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xisabaadka ee aqalka sare

Senatarka ismaamulka Kisii ,Sam Ongeri ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga aqalka sare u qaabilsan xisaabaadka iyo maalgashiga ismaamullada.
Tani ayaa timid kaddib markii uu tartanka isaga baxay dhigiisa Narok Ledama Ole Kina.
Waxaa Ongeri ku xigeen u noqonaya senatarka Marsabit Hargura Godana.
Waxaa guddigan xubo ka ah Fatima Dullo oo ah senatarka (Isiolo), Ochilo Ayacho (Migori), Johannes Mwaruma (Taita Taveta), Charles Kibiru (Kirinyaga) iyo Irungu Kangata (Murang’a).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here