Senatarka Nairobi oo maanta maxkamad ka soo hormuuqan doono

Senatarka ismaamulka Nairobi Johson Sakaja ayaa ayaa lagu wadaa inuu maanta ka soo hormuuqdo maxkamad ku taallo magaalada Nairobi kaddib eedeymo loo jeediyay.
Sakaja ayaa habeenimadii ay sabtida soo galaysay la qabtay isaga iyo eedeysanayaal kale oo boolisku ay sheegeen inay ku sugnayeen goob lagu caweeyo.
Waxaa gacanta lagu dhigay abaare 1-dii habeenimo iyadoo loo haysto inuunan u hoggaansamin amarka ah inaan bannaanka lagu sugnaan Karin wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo.
Bandowga oo shaqeeya ilaa 4-ta aroornimo ayaa dalka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda dhexe ku xakameynayso faafitanka fayrska corona.
Mr. Sakaja oo shalay kenyaanka ka raali geliyay khaladka uu sameeyay ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuu khaldamay sidaas awgeedna uu qaadanayo mas’uuliyad shakhsiyeed oo uu diyaar u yahay in laga qaado tallaabada sharciyeed ee ku habboon.
Mr. Johnson Sakaja, senatarka ismaamulka Nairobi ayaa dhanka kale iska casilay xilka guddoomiyaha guddiga aqalka sare u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID-19 ee dalka.
Qareenadiisa oo ay ka mid yihiin senetarka Makueni Mutula Kilonzo Junior iyo John Khaminwa ayaa sheegay in maanta loo faahfaahin doono dacwadda ka dhanka ah Sakaja.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here