Senatarka Narok oo maxkamadda la soo taagay

Waxaa maanta maxkamadda ka soo hormuuqday senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina oo loo haysto hadal uu jeediyay kaasoo lagu tilmaamay mid ku saleysan naceyb qabiil.
Hadalka loo haysto ayuu jeediyay 20-kii bishii labaad xilli uu u warramayay mid ka mid ah telefishinada dalka.
Mr. Ole Kina oo ka soo hormuuqday garsoore Martha Mutuku ayaa sido kale lagu amray inuunan ka hadlin dacwadda uu wajahaya.
Eedeysanaha ayaa saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ku eedeyay inay takoor kula kaceen balse waxaa taasi waxba kama jiraan ku tilmaantay maxkamadda.
Eedeynta loo soo jeediyay ayuu beeniyay waxaana laga siidaayay damiin lacageed oo dhan 100,000.
Dacwaddan ayay maxkamadda soo hadal qaadi doontaa 30-ka bisha Toddobaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here