Senatarka Narok oo raali gelin bixiyay

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga senetarkia Narok iyo hoggamiyayaal kale

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiiisa rasmiga ee Facebook ku sheegay in senatarka ismaamulka Ledama ole Kina uu ogolaaday inuu meesha ka saaro dacwad uu ka gudbiyay xisbiga.
Dacwaddaas ayaa ku saabsaneyd in xisbiga ODM uu Mr. Ledama ka qaaday xilka guddoomiyaha guddiga aqalka sare u qaabilsan xisaabaadka taasoo uu ka soo horjeestay kaddibna maxkamadda aaday.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in Ledama uu sido kale raali gelin ka bixiyay go’aankii uu qaatay uuna aqbalay in jagadaas uu wareejiyo.
Raila ayaa dhanka kale bixiyay amar ah inaan senatarka loo ciqaabi karin tallaabadii uu ku dhaqaaqay ee maalmo ka hor loo fasiray inuunan xisbiga daacad u ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here