Senatarka Tharaka Nithi oo iska diiday xil loo magacaabay

Guddoomiye ku xigeenkii aqalka sare ee dhawaan xilka laga qaaday Prof. Kithure Kindiki ayaa diiday xil uu u magacaabay xisbiga talada haya ee Jubilee.
Waxaa guddoomiye looga dhigay guddiga aqalka senate-ka u qaabilsan arrimaha cadaaladda balse waa uu ku gacan seyray.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu xilligan diiradda saaraya u adeegidda shacabka soo doortay ee ismaamulka Tharaka-Nithi .
Waxaa uu xusay in isagoo xisbiga xushmad u haya hadana uu diyaar u ahayn inuu aqalka sare ka qabto xil dhanka hoggaanka ah.
Maalmo ka hor ayaa laga qaaday xilka guddoomiye ku xigeenka kaddib markii Jubilee oo uu ka tirsan yahay ay sheegtay inaynan ku kalsooneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here